DHAGEYSO: Puntland oo ka jawaabtay Banaanbaxyada Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay Banaabaxyaddii Magaalada Boosaaso ka socday  labadii maalmood ee ugu dambeyay oo ay waddeen Kaluumeysatada ka dib markii la xiray Suuqii weyn ee Kalluunka ee Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa warbaahinta u sheegay  in dadkii laga barakiciyay Suuqa loo wareejiyay goob kale oo loogu tala galay in ay ku shaqeystaan, islamarkaana waxaa uu beeniyay in maamulka Puntland aysan dadka meel dejineyn.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayuu sheegay in Ganacsatadda ay la yeesheen kulamo kala duwan ayna isku raaceen in ay u soo guuraan Suuqa Kalluunka ee ku yaalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Maamulka  Puntland ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la xiro Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa kalluunka oo ku yaalla Gudaha Dekedda.

Wasaaradda Dekaddaha Puntland ayaa sheegtay in xiritaan Goobahan looga gol lee yahay Xaqiijinta amniga Dekedda, maadama Dekedda Magaalada Boosaaso ay tahay xudunta Puntland.