Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan deegaanada maamulka Puntland.
Waxa uu sheegay in ay socdaan shirar gaar gaar ah oo horudhac u ah shirarka la xiriira doorashooyinka ee ka dhacaya deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen goobihii ay ka dhici lahaayeen doorashooyinka.
Magaalooyin ka mid ah Dalka ayaa waxaa lagu Wadaa iney ka dhacaan doorashooyinka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose, Waxaa soconayo diyaar garoow ay sameynayaan Masuuliyiinta Maamul goboleedka Dalka ka jira.
Shalay waxaa Magaalada Garoowe ku wada kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.


