DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Sanaag

Sanaag-RisaalaFM- Dagaal xoogan oo mudo saacado ah qaatay ayaa maanta ka dhacay gobolka Sanaag, waxaana dagaalka uu udhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu udhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Soomaaliland, waxaana dagaalka uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkan maanta dhexmaray labadan maamul ayaa yimid kadib markii maalmahan uu udhaxeeyay isqab qabsi la xiriira gobolada Sool iyo Sanaag oo dhinac kasta uu sheeganayo in uu ka tirsan yahay maamulkiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay soo gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo saacadihii udambeeyay la sheegay in dagaalka uu sii xoogeystay.

Gudoomiyaha deegaanka Haylaan ee dhanka Puntland Maxamed Faarax Ciise ayaa sheegay in dagaalka khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka Soomaaliland, sidoo kalena ay uga gubeen 1 Gaari oo nuuca dagaalka ah.

Waxa uu sheegay sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Haylaan ee dhanka Puntland Maxamed Faarax Ciise in dhankooda 1 Askari looga dhaawacay dagaalka.