Taliyaha guud ee Ciidamada Maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amni darada ka jirta Magaalada Gaalkacyo aysan ka dambeyn Al-Shabaab oo keliya.
Taliyaha ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan dhinacyo iyo shaqsiyaad gaar ah oo diidan nabada iyo hormarka shacabka Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la doonayo in la Barakiciyo shacabka Puntland ee Gaalkacyo ku sugan.
Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka iney muujiyaan dadaalkooda ku aadan ka qeyb qaadashada sugida amniga Magaalada Gaalkacyo.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ka dhacaayay dilal qorsheyn oo loo geysanaayay Masuuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland.


