Wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha lagu sugayo Ammaanka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka wasaarada amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland ay ka go’antahay xaqiijinta amniga magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Gaalkacyo looga baahanyahay in ay waxbadan ka bartaan amni darada Gaalkacyo madaam ay soo laablaabatay.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmay bulshada kunool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana uu kala hadlay suggida amniga magaaladaaasi.
Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay madax ka tirsan Puntland iyo sidoo kale dad rayid ah.


