DHAGEYSO: Puntland oo diiday Go’aankii dowladda Soomaaliya ku hakisay Qaadka

Maamulka Puntland  ayaa sheegtay in aanu khuseyn go’aanka ay dawladda federaalka ku hakisay duullimaadyada qaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duullimaadyada qaadka ee ka imaan jiray gudaha dalka Kenaya.

Afhayeenka maamulka Puntland  Cabdulaahi Quraan jecel oo l hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland ay kasoo horjeedaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku joojisay diyaaradii Qaadka ka keeni jiray gudaha dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu dalku yahay Federalka maamulka Puntland aysan khuseyn go’aanka dowladda Soomaaliya ay Qaadka ku joojisay.