Taliska ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa ciidanka ugu baaqay in aysan caburin dadka shacabka ee doonaya in ay dhigaan banaan baxyo.
Taliska ammaanka ayaa sheegay in ciidanka looga baahanyahay in aysan dhibaateyn dadka shacabka islamarkaana ay ilaaliyaan xuquuqda dadka doonaya in ay banaan baxyo dhigaan.
Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay ganacsato badan kuwaas oo banaanbaxyo ka dhigay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Dadka shacabka ah ayaa ka banaan baxayey safrifka lacagta dollarka oo sara u kacay magalaada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Kor u kaca sarifka doollarka ayaa kamid ah waxyaabaha xaaladda kiciyay islamarkaana keenayay inay danyartu maarayn weydo nolosha qoysaskooda wuxaana maanta $100 [Boqol dollar] lagu sarifayay Labo Malyan iyo Shan Boqol oo Kun Shilling Somalia, halka gacanta dambe marayso Labo Malyan iyo Lix Boqol.


