Maamulka Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ay la wareegeen Garoonkaasi, kadib markii Warbaahinta qaar ay baahiyeen warkaasi.
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Yuusuf Dhagaweyne, ayaa beeniyay ciidamo inay qabsadeen Garoonka, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah.
Wuxuu sheegay Garoonka Gaalkacyo xaaladiisa inay tahay mid hagaagsan oo duulimaadyadii caadiga ahaa ee ka shaqeyn jiray ay si toos ah u howlgalayaan.


