Banaanbax balaaran oo ay dhigeen haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana ay dalbanayeen in helaan xuquuqdooda siyaasada ee ay ku yeelanayaan dowladda cusub ee lagu wado in ay dalka ka dhalato dabayaaqada sanadkaan 2016.
Qaar ka mid ah ururada haweenka ayaa sheegay in Ujeedada banaanbaxa ay tahay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdii haweenka 30% oo ay ku yeelan doonaan dowladda cusub ee lagu wado in ay dalka ka dhalato.
Haweenka ka qeyb galay banaan baxaasi ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay helaan doorkooda oo ay qeyb ka noqdaan dowladda.
Haween badan oo la soo abaabulay ayaa ku dhawaaqayay erayo ku aadan helida qoondada haweenka ee dhanka Siyaasada, xilli Magaalada Muqdisho uu ka socdo Shirka looga hadlaayo Doorashada dalka.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda siyaasada.


