Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 5 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii madaafiic xalay lagu garaacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ururka Al Shabaab ayaa xalay madaafiic Khasaare kala duwan geysatay waxa ay ku garaaceen Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegaya in tiro dhan 6 madfac ay ku dhaceen meelo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo.
Maamulka degmada Baydhabo ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen nawaaxiga Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.
Madaafiic ayaa laga soo tuuray duleedka magaalada Baydhabo sida ay sheegayaan saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed.
Dadkii ku dhaawacmay madaafiic ayaa xaaladooda caafimaad waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay madaafiicda xalay lagu garaacay magaalada Baydhabo.


