Dowladda Norway ayaa sharcigan aya soo saartay waxa ay saameynayaan dadka qaxootiga ah ama magan galyo doonka ah ee ku sugan dalkaasi Norway kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali badan oo in muddo ah ku sugnaa dalkaasi.
Sharciyadan waxa ay si gaar ah usaameynayaan dadka heysta deganaanshaha ku meel gaarka ah ee ku nool dalka Norway.
Axmed Jalwa oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in sharciyadaas ay Soomaalida cabsi badan ku abuurtay.
Sikastaba dowladda Norway iyo dowladaha kale ee Yurub ayaa doonaya in ay iska xakameeyaan qaxootiga faraha badan ee doonaya in ay galaan qaarada Yururb.


