Hargeysa-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khudbad uu ugu tala galay 26-sano guurada gooni isu taaga Maamulka Somaliland u jeediyay shacabka Somaliland.
Axmed (Siilaanyo oo Madaxtooyada Soomaaliland kula hadlayay shacabka ayaa ka digay cunaqabateynta dhanka Hubka ah in laga qaado Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanada Somaliland, wuxuuna sheegay in ay wax ka qabanayaan Abaaraha.
18-kii May 1991-kii shirweyne ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa hoggaan dhaqameedkii bulshooyinkii ku noolaa Gobolada Awdal iyo Togdheer, waxa ay ku go’aansadeen in ay sameystaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteed kale.


