Ardayda qalin jebisay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ku dhowaad Boqol Arday, kuwaasi oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho, in mudo ahna baranayay Maadooyinka lagu lagu dhigto Dugsiga sare.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Iskuulka, Macalimiin, Waalidiin, qaar ka tirsan Jaamacadaha dalka, Arday iyo marti sharaf kale.
Maamulaha Guud ee iskuulka Cimraan Bin Xuseen ayaa sheegay Ardaydan in ay yihiin Dufcadii 15-aad, kuwaasi oo macalimiintooda ay waqti badan ku soo bixiyeen.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Ardayda dhameysatay Iskuulka Cimraan ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxan yihiin in ay maanta dhameystaan Iskuulka Cimraan Bin Xuseen, aysana ilaabi doonin Macalimiintooda soo wax bartay.



