DHAGEYSO: M/weynaha Hirshabeelle oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta kulamo la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Qaran ee heer Dowlada Goboleed ee Gobolada Hirshabeelle.

Kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa Madaxweynaha Guddiga waxa uu kala hadlay sidii ay u dar dar gelin lahayeen Doorashooyinka ka dhacaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle hada wixii ka dambeeya in ay ku bilaaban doonaan si dar dar leh.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa shalay lagu caleemo saaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.