Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ay kulamo kula qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, qaar ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi (Farmaajo).
Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu soo booqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay shacabka Koonfur Galbeed in ay u baahan yihiin Dowladnimo.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay sababta uu Baydhabo u tagay in ay tahay wax ka qabashada arrimaha Abaaraha, iyo Amniga.
Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu furayo wadada u dhaxeysa Baydhabo iyo Magaalada Muqdisho, taasi oo hada qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Shabaab.
Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo Magaalo ku taala dalka, kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooamaaliya, 8-dii Bishii February.







