DHAGEYSO: Musharaxiin ka horyimid go’aan kasoo baxay Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Musharaxiinta U taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dood wadaag Maanta lagu waday in  magaalada Muqdisho lagu qabto oo ay joojiyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in Guddiga Doorashada Madaxweynaha aysan awood u laheyn in ay joojiyaan doodwadaaga Musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay si cad u taageereen Musharaxiin gaar ah.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

12 Musharax ayaa maanta diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.

Ugu dambeyn Musharaxiintaan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay ka codsadeen in dood wadaaga Musharaxiinta loo qabto si hufan.