Dhageyso:-Musharax Jubbaland oo digniin u diray Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare

Cabdi Naasir Seeraar Maax oo ka mid ah Musharixiinta Madaxweyaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa eedeyn kulul u jeediyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu ku Eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in Xildhibaannada ka tirsan dowladda ay yihiin kuwo kusoo fashilmay Shaqooyinkii loo igmaday,isla markaana ay doonayaan inay dowladda Federaalka Kismaayo kala dagaalamaan,waxaana uu sheegay in taasi marnaba aqbaleyn.

Senatorada qaarkood ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin Cumar Cabdi Rashiid iyo Cabdiarxmaan faroole,waxaana uu ugu baaqay inay faragelinta ka joojiyaan Dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhinaca kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in inta badan deegaannada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Ciidamada Jubbaland inay amniga adkeeyaan,isla markaana aysan ka mashquulin.

Si kastaba Eedeynta Musharax Madxweynaha Jubbaland Cabdi Naasir Seeraar Maax uu u jeediyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya weli dhankooda kama jawaabin,waxaana xusid mudan in Xildhibaannada federaalka qaarkood ay dowladda Soomaliya ku Eedeyso inay faragelin ku heyso doorashooyinka Jubbaland.