DHAGEYSO: Cali Xaaji Warsame “Baarlamaanka ha doortaan Hoggaan Daacad ah”

Muqdisho-RisaalaFM- Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u sharaxan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta Cali Xaaji Warsame ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan Marxalada hada dalka uu ku jiro, wuxuuna Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay dantooda in ay ka hormariyaan mida dalka, si loo gaaro hormar iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Sidoo kale Mudane Warsame ayaa sheegay in uu ka soo bixi karo kursiga ugu sareeya ee Dalka hadii loo doorto, maadaama uu sheegay in uu wax badan ka yaqaano howshaan.

11-ka ilaa 12-ka Bishan ayaa lagu wadaa Magaalada Muqdisho in lagu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo intaasi kadib la guda geli doono Doorashada Madaxweynaha.