Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabad lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo ku beegan 1-da May ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre, Madaxda Wasaaradda iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Soomaaliya Xasan Abshirow oo goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay maalinta shaqaalaha, tirada shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.
Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan shaqo la’aanta baahsan ee heysata shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka Tahriibka ee Dhalinyarada.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa Hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in shaqaalaha Dowladda Federaalka ay heli doonaan xuquuqdooda.



