Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaraya Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalka in uu si gaar ah uga socdo Degaanka Number 50, la iskuna adeegsanayo Hubna nuucyadiisa kala duwan, oo cabsi badana ay ka muujinayaan shacabka halkaasi ku dhaqan.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda oo hoggaaminaya Dagaalkan ayaa Risaala u sheegay Dagaalka in uu bilowday Sagaalkii Galabnimo, ilaa hadana uu socdo, oo labada dhinac ay Dagaalamayaan.
Ilaahada lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan ka socda Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, ee u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaabka.


