Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Munsaabad lagu xusayay 73-sano guuradii ka soo wareegatay markii la Aas aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 20-kii December 1943-dii.
Munaasabada Dabaal dega oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaal Ciidan iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Munaasabada ka hadlay ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaateen Doorashoopyinkii ka dhacay Maamul Goboleedyada.
Sidoo kale General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Ciidanka Booliska ku amaanay in ay yihiin saaxiibada bulshada, sidoo kalena ay mar walba sugaan amniga Dalka.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa xusay doorka Ciidamada Booliska iyo kaalinta ay ka qaateen soo celinta nabadgelyada dalka iyo difaaca dadka iyo dalka, wuxuuna kula dardaarmay qeybaha ciidamada Boliiska inay sii laba laabaan howlaha adag ee loogu adeegayo bulshada, isagoo dhanka kale ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan Boliiska.


