Muqdisho-RisaalaFM- Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle wafdi ay kala hoggaaminayaan ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa yimid magaalada Muqdisho kadib markii Madaxtooyada looga yeeray, waxaana maalinta uu yimid magaalada Muqdisho habeenkeedii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.
Warbixintan waxaa diyaariyay oo soo jeedinaya Wariyaha Risaala, Maxamed Ciise Maxamuud:-