Iyadoo maalmihii dambe la hadal haayay mooshin la sheegay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay abaabulayeen kaasi oo ujeedkiisu yahay in xilka loogu qaado Madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa mooshinkaasi ka hadashay Wasiirada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Waxa ay sheegtay in mooshinkaasi uu yahay mid lagu qal qal gelinayo madaxweynaha.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in mooshinkaan ay wadaan dad dano gaar ah leh oo doonaya iney sameeyeen sidii lagu sameyn jiray madaxdii hore balse waxa ay tilmaamtay in madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ay isku duuban yihiin.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqday Xildhibaanada abaabulaya mooshinka iney joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta dalka.



