Muqdisho-RisaalaFM- Kulan ku dhexmaray Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay xafiis Midowga Yurub uu ka furanayo Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Midowga Yurub uu ka furanayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu hormarinayaa Mashaariicda uu ka fulinaayo Magaalada Muqdisho.
Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Daahir Faarax oo markii uu kulanka soo idlaaday warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay Mashruucan in uu yahay mid horey looga soo fuliyay Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Maxamed Daahir Faarax Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay isbuucayada soo socda in xafiisyo cusub oo Midowga Yurub uu leeyahay laga hirgelin doono Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Ururka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka mid yahay ururada caalamiga ah ee taageerada weyn siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.


