Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya Michele Cervone d’Urs oo tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay seddex ujeedo oo ugu muhiimsaneyd safarka uu ku tagay magaalada Kismaayo.
Ugu horeyn wuxuu sheegay in ujeedada koowaad ay tahay sidii xiriir seddex geesood ah looga dhex abuuri lahaa maamulka Jubbaland, dowlada Soomaaliya iyo midowga Yurub.
Wakiilka ayaa sidoo kale sheegay in midowga Yurub ka go’an tahay taageerada ay siinayaan dowlada federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay iney taageeri doonaan dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo siyaasada Soomaaliya.
Dhanka dib u hishiisiinta iyo xasilinta dalka Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay iney kaalin muuqata ka qaadan doonaan, isaga oo balan qaad u sameeyay maamulka Jubbaland.
Maalintii shalay ayaa wafdigaasi oo qeyb ka ahaayeen wasiirada caafimaadka iyo iskaashiga caalamiga waxay tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.


