Berbera-RisaalaFM- Nin lagu eedeeyay in uu Qamri soo galinayay magaalada Berbera ayaa waxaa qabtay ciidamada magaalada Barbera.
Ninka la qabtay ayaa waxaa Maxkamad lagu soo taagay magaalada Berbera, waxaana lagu xukumay 4 sano oo xabsi uu ku qaadan doono.
Gudoomiyaha Maxkamadda magaalada Berbera Xamza C/laahi Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka la soo qabtay lagu helay dembi ah in uu waxyaabaha maandooriyaasha uu soo galinayay magaalada Berbera laguna xukumay 4 sano oo xarig ah.
Maamulka magaalada Berbera ayaa maalmahan waxa ay dabagal ku hayeen raga soo galiya waxyaabaha maanka dooriya magaalada iyo kuwa amni darada halkaasi ka wada.


