DHAGEYSO: Maxkamada sare oo ku raad joogta qareeno laaluush qaata

Gudoomiyaha Maxmakada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kullan lagu dhaarinayay garsoorayaal uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay in ay jiraan qareeno qaata laaluush.

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Gudoomiyaha Maxmakada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu u digay dadka u dacwooda shabaab oo sheegay in cadaalada ay soo taagi doonaan.