Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadd Puntland oo looga hadlay qodobo muhiim ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey qodobada looga hadlay shirka, waxaana uu sheegay inta badan diiradda lagu saaray tayeynta Hay’addaha kala duwan ee dowladda.
Waxaa uu tilmaamay in looga dooday Ammaan xumidda Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale howlgallada ay halkaasi ka waddaan Ciidanka maamulka Puntland.



