Muqdisho-RisaalaFM- Golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Shabeelle iyo sidoo kale dagaal beeleedyada ka jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Golaha Wasiirada ayaa waxa ay sheegeen in muhiim ay tahay sidii gar gaar deg deg ah loogu fidin lahaa dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.
C/salaan Caato Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay wado qorshe wax loogu qabanayo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in qeyb ka qaadato samata bixinta dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Dadka reer Beledweyne ayaa isugu darsamay colaad iyo fatahaada wabiga, waxaana heerka uu gaaray fatahaada wabiga Shabeelle uu yahay mid aan horay loo arkin.