DHAGEYSO: Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ku geeryoodey shil Gaari

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa xalay ku geeryoodey shil Gaari oo ka dhacay deegaanka Sadex Higle oo ka tirsan gobolka Mudug.

Labada wasiiru Dowle ee xalay ku geeriyooday shilka Gaari ayaa waxa ay kala ahayeen wasiiru dowlaha Wasarada Howalaha Guud iyo dib u dhiska Aweys Cali saciid Wasiiru dowlaha Maaliyada Galmudug Axmed C/llaahi Diiriye iyo  Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed oo caan ka ah Galmudug.

Wariye Xasan C/raxmaan Aadan oo ku sugan gobolka Mudug ayaan wax ka weydiinay arimahaasi.