Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu doonaayo in uu markale u tartamo xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif oo hada ku sugan dalka Sucuudiga ayaa si dadban u sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo Soomaaliya,islmarkaana uu safar ku mari doono meel badan oo ay Soomaalidu dagantahay.
Sheekh Shariif ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahyed ee ku timid dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhimatay badda
Sheekh Shariif ayaa dhowr sano madaxweyne ka soo ahaa dalka Soomaaliya.


