Madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta magaalada Beydhabo kula hadlay ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay ka dambeeyaan colaadaha ka dhacaya gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaana uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin in ururka Al-shabaab ay hal dhinac uga soo wada jeestaan.
Dhanka kale madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la galeen ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ciidamada Koonfur Galbeed uu kula dardaarmay in ay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka sifeeyaan ururka Al-shabaab.
Dhowaan ayay aheyd markii beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku wada dagaalameen, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


