DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed oo eedeeyn u jeediyay dowlada Ethiopia

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa madaxda dalka Itoobiya ku eedeeyay in ay dad shacab ah ku xasuuqeen xadka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in la xasuuqo shacabka Soomaaliyeed isla markaana lagu xad gudbo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in lagu xad gudbo oo la dhibaateeyo shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu madaxda Dalka Itoobiya ugu baaqay in ay ilaaliyaan karaamada shacabka Soomaaliyeed.