Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in wali uusan dhamaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al-shabaab kadib markii maalmahaan dagaal ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Nugaal.
Madaxweyne C/welli Cali Gaas ayaa sheegay in wali aan lasoo gabo-gabeyn dagaalka ay kula jiraan Alshabaab gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Mudug iyo Nugaal.
Wuxuu sheegay in shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Puntland looga baahan yahay iney sii feejignaadaan, maadaama wali uusan dhamaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in marwalbaa ay dhici karto in Al-shabaab ay isaga soo abaabulaan oo markale ay weeraro ka geystaan deegaanada Puntland.


