Alle ha u naxariistee Marxuum General Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka ayaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuumka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada Dalka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka gobolka Banaadir, iyo Masuuliyiin kale.
Ka hor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda Dowladda waxa ay Salaadii Janaasada kula dukadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, waxaana lagu aasay isla xaruntaasi.
Madaxda Dowladda iyo Saraakiishii Ciidan ee ka qeyb galay Aaska Qaranka ayaa waxa ay sheegeen in Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar uu wax badan dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo qabtay.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maadaama uu General Samatar Halyeey ahaa ay Madaxda Dowladda Waajib ku noqotay in ay ka qeyb galaan Aaska Qaran ee loo sameeyay.
Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha ka Sheekeeyay Taariikhda Alle ha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar.
Alle ha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar waxa uu horay usoo noqdar Madaxweyne ku Xigeen, Ra’isal Wasaare ku Xigeen, waxa uuna sido kale ka mid ahaa Saraakiishii ugu horeeysay ee Ciidanka.


