Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka fuliso degaanada ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish ee gobolka Bari.
Madaxweynaha oo wareysi Siiyay BBC-da waxaa uu sheegay in ay tahay arintaasi guul weyn oo u soo hoyatay Puntland.
Gaas ayaa xusay in duqeymaha dowladda Mareykanka ay sare u qaadayaan Burburka ka dhanka ah Kooxda Daacish.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada Puntland ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Kooxdaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dowladda Mareykanka waxa ay bilowday in ay duqeymo la beegsato Faraca Kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Galgala ee Puntland.



