DHAGEYSO: Madaxweynaha oo ka hadlay qaabka amniga lagu sugi karo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in hub badan lagu dhex wato magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah amni darada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo jeediyay in wasiirada iyo xubnaha kale ee dowlada iney yareeyaan ilaalada iyo hubka badan ee ay heystaan si amaanka loo xaqiijiyo.

Arinta ciidamada badan ayuu sheegay iney tahay mid aragagax cusub gelin karta shacabka magaalada Muqdisho marka ay arkaan gaadiid badan iyo hub badan oo lagu ilaalinayo wasiirada iyo xubnaha kale ee dowlada.