Dalka Giriiga waxaa ku xayiran kumanaan qaxooti ah oo doonaya inay dalkaasi ka tagaan
Dadkan doonaya inay Giriiga ka baxaan waxaa ugu badan qaxootiga Suuriya iyo Ciraaq
Wadamada dariska la ah Giriiga ayaa gabi ahaanba joojiya qulqulka qaxootiga
Wadamada qaar waxay doonayaan inay xuduuda ka dhisaan darbi ay isaga celinayaan qaxootiga
Soomali badan ayaa ka mid ah qaxootiga ku xayiran dalka Giriiga oo ka mid ah qaxootigan xaniban
Giriiga Horay ayuu u sheegay inauusan qaabili karin qaxootigan tirada badan
Sidoo kale wadamada Yurub ayaa walwal weyn ka muujinaya qulqulkan qaxootiga sii badanaya


