Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gelinkii dambe waxa uu Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga Gurmadka Abaaraha waxa uu kala hadlay ilaa iyo hada waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay wax marayaan, maadaama Abaarta marba marka ka dambeysa ay sii fideyso.
Intaasi kadib Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in 14-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo aadan in ay isugu soo baxaan Masaajidada waa weyn iyo Barxadaha, si loo Tukado Salaad Roob doon ah, Allena loo bariyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkadaha waa weyn iyo dadka Alle wax siiyay ka dalbaday in dadka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed ay gacmaha u furaan, oo ay wax ku sadaqeystaan, isagoo dhanka kale Dowladaha caalamka ka dalbaday gar gaar.
Dhanka kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay Abaaraha soo noq noqday in ay yihiin dambi anaga aan galnay, sidoo kalena ay bateen Qiyaanada, Musuq maasuqa iyo Beenta.
Macluul dhanka Abaaraha ah ayaa waxa ay ka jiraan dalka, kuwaasi oo ay u dhimanayaan dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto, maadaama Abaarta ay ku sii fideyso Degaano hor leh.



