Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya xaafada Carafaad ee Degmada Yaaqshiid aya waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu weeraray sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Beer-dilaacshe ayaa xilligii la weerarayay waxa uu watay Gaari nuuca raaxada ah, waxaana la sheegay in ay Rasaas huwiyeen Dabley hubeysneyd, inkastoo sarkaalka uu iska caabiyay weerarkaasi oo aysan gaarin wax khasaare ah, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in ay maqleen Rasaas fara badan, oo la is dhaafsaday, taasina ay casbi ku abuurtay dadkii halkaasi ku sugnaa, maadaama qal qal xoogan uu soo wajahay.
Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay, iyaga oo ku raadjooga kooxihii weerarkan ka dambeeyay, waxaana ay wadaan Howlgaallo amniga lagu xaqiijinayo.


