Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirka kismaayo ka furmaya inuusan waxba u dhibi doonin Siyaasadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Shirkaasi in uu yahay gogol Nabadeed,islamarkaana Natiijadda kasoo bixi doonta in ay noqon doonto mid ay dani ugu jirto dhammaan umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jubbaland sidoo kale tilmaamay in Shirkaasi uu yahay mid wanaagsan oo Siyaasadda Soomaaliya lagu jaheyn doono.
Shirka Axadda ka furmaya Magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga hadlaaya Siyaasadda maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in maanta Magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha Caalamka.
Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.


