Maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Mahadaay in ay qaadaan tilaabooyin Al-Shabaab degaanada hoosyimaada degmadaasi looga sifeynaayo.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makraan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab laga saaro degaankaasi si loo caawiyo dadka dhibaateysan.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay weeraro kusoo qaadaan degaanadaasi.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale kahadlay xaaladda Caafimaad ee Caruurtii dhawaan kasoo carartay degaanada Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Hadalka kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo beegmaya Xilli Al-Shabaab ay Weeraro kala duwan ku qaadeen degaano hoos yimaada gobolka Shabeelaha Dhexe, islamarkaana dadkii kunoolaa degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ay barakac sameynayaan.


