Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay bilowdeen howlgallo ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xalay ay duulaan qaadeen ciidamada dowladda islamarkaana loo soo bandhigi doono warbaahinta iyo shacabka natiijada ka soo baxda duulaanka ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisamo ay Al-shabaab ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka.
Waxaana uu tilmaamay madaxweynaha in ay rajeynayaan dagaaladaasi ay ku qaadeen ururka Al-shabaab ay ka guuleysan doonaan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan qarin Al-shabaab, waxaana uu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in aysan xabsiyada ugu daba tagin Al-shabaab.
Hadalkan ayuu madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay isagoo ka qeyb galayay munaasabad xalay lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar.


