Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya bulshada.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saraakiisha ciidanka si ay u guuleystaan in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.
Xasan Shhekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siin doonto tayeynta ciidanka Soomaaliyeed si ay uguuleystaan.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo mudo ku tababaranayay xarunta Gen. Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.


