Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in ururka Al-Shabab ay dileen ku dhawaad 180-200 ciidamo Kenya ah, markii ay bishii Janaayo ee sanadkan ay weerareen saldhigoodii tuulada Ceel-cadde gobolka Gedo.
Waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa weerarkii ugu xumaa ee lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya jooga, inkastoo aan tiro rasmi ah laga hayn ciidamadii Kenya kaga dhintay weerarka.
inkastoo ay dhibaato weyn ku noqotay ciidamada Kenya weerarkii Ceel-Cadde, haddana waxay ceeb weyn ku noqotay dawladda Kenya oo ka aamustay in ay sheegto tirada askartii ka dhimatay.
Hase ahaatee hadda waxaa jirta in fikrad cad laga haysto baaxadda askartii dhimatay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo u waramay telefishin Soomaali ah wuxuu difaacay booqashadii uu dhawaan ku tagay Kenya oo uu uga tacsiyeeyey askartii ka dhimatay.
“Marka 180 illaa 200 oo wiilashii aad usoo dirtay nabad soo celinta Soomaaliya la dilo subax qura, ma ahan wax fudud” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, xilli uu difaacayey go’aankii uu uga qeyb galay tacsidii loo sameeyey ciidamada Kenya laga dilay.


