DHAGEYSO: Maamulka Tiyeeglow”go’doonka wadooyinka degmada saaran waan ka qaadnay”

Howlgal maalmihii u dambeeyay ka socday deegaano hoostaga degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayaa la soo gaba gabeeyay.

Iyadoo howlgalkaasi  ujeedadiisa ay ahayd in go’doonka looga qaado degmadaas oo mudo ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.

Howlgalka ayaa inta badan waxaa Al-shabaab looga saaray wadooyinka soo gala degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdala Xasan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi iyo sida xaalada ay tahay.