Ciidmada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinyo waxa ay ka sameeyeen deegaanka Miirtaqwe oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Cali Cabdisalaan oo ka mid ah saraakiishii dowladda ee hogaaminayay howlgalkaasi ayaa idaacadda Risaala kaga warbixiyay howlgalka ay sameeyeen iyo hadii ay jiraan in dad ay ku soo qab qabteen.


