Sh/Dhexe-RisaalaFM- Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay qalab caafimaad oo maanta ka soo gaaray dalka Findland, iyadoo qalabkaas caafimaad uu u soo dhiibay xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cali oo ka tirsan baarlamaanka Findland.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in qalabka uu isugu jiro Sariiraha jiifka, Dawooyin iyo Mashiino kale oo waaweyn, waxaana uu sheegay in qalabkaas ay ku wareejiyeen isbitaalada ku yaalla magaalada Jowhar oo kala ah IMC iyo Intersos.
Gudoomiye Cali Guudlaawe ayaa mahadcelin balaaran ujeediyay xildhibaankii ay ka gudoomeen qalabkan Caafimaad.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in cid walbo oo dooneysa in ay taageero ufidiso gobolka Shabeellaha Dhexe in ay soo dhaweynayaan.


