DHAGEYSO: Maamulka Mudug “waan ku raad joognaa kooxihii dilay Dhudi Yuusuf

Mudug-RisaalaFM- Kadib markii kooxo hubeysan magaalada Gaalkacyo ay ku toogteen Gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug ayaa wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka haweeneydaasi loo geystay.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada amniga ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sidoo kalena lagu raadinayo dhagar qabayaashii dilka ugeystay Gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug Marwo Dhudi Yuusuf Aadan.

Ilaa iyo hada ma jirto cid si cad usheegatay Mas’uuliyada dilka loo geystay haweeneydaasi ka tirsaneyd Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay amaanka magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dheceynin falal lidi ku ah amniga.