DHAGEYSO: Maamulka Khaatumo oo sheegay in ay la wareegayaan Laascaanood

Maamulka Khaatumo ayaa shaaca qaaday in ay dhawaan qorshaynayaan  in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madexweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’antahay in ay la wareegaan magaalada Laascaanood oo ay hada joogaan ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay in kala fadhiga 5 aad ee baarlamaanka maamulka Khaatumo ay ku raja weyn yahay in lagu qabto  Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Maamulka Khaatumo ayaa dagaal culus kula jira maamulada Puntland, iyo Somaliland,waxayna had iyo jeer sheegaan in la wareegaya deegaanada maamulka Somaliland oo ay khaatumo ku doodayso in ay ka mid yihiin dhulkeeda.